Goobo Waxbarasho Oo Looxirayo Cabsida Weerarada Al-Shabaab Aawadooda.

0
257

Dowlada dhexe ee Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka tahay dib u dhaca waxbarashada ee ka jira deegaanada dhaca gobolka waqooyiga Bari ee Kenya oo ay macalimiinta ka soo jeeda gobolada kale ay isaga Baxeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Ismaamulada Garissa Wajeer iyo Mandera taasi oo keentay cabsi xoogan oo soo wajahday Barayaasha.

Gudiga adeega macalimiinta ee TSC ayaa badalaad siiyay macalimiinta ka shaqeeya Iskuulada dowlada ee ku sugan miyiga iyo magaalooyinka Waaweyn.

Agaasimaha waxbarashada ismaamulka Garissa Mudane Khaliif Isaaq oo la hadlay Universal ayaa ku eedeeyay wasaarada waxbarashada Kenya in aysan la tashan maadaama macalimiin ku sugan deegaanada nabada ay ka jirto ay siisay warqada badalaaada Shaqada.

Mr Khaliif ayaa intaa ku daray in uu ka xun yahay arintaan waxaana uu ugu baaqay hogaanka gobolka waqooyi Bari in ay qaataan go,aan Mideysan.

Shacabka Soomaalida Kenya u dhashay ayaa aaminsan in madaxdooda aysan wali ku baraarugsaneyn Macalin yarida ka jirta Gobolka