Goorma ayaa ladooranayo Gudomiyaha Baarlamaanka Galmudug?

0
225

Isniin, RBB News:- Guddiga Doorashada ee Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo maanta ku kulmay Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo saaray jadwalka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Sida ku qoran jadwalka waxaa Guddoonka Baarlamaanka Galmudug la dooran doonnaa 17-ka bishan, oo ku beegan maalinta Jimcaha ee ina soo aadan.

Musharaxiinta u taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye Kuxigeenka ayaa waxaa araajida laga qaban doonnaa 14-15-ka bishan.

Musharaxiinta ayayna tahay inay ugu tala galaan khudbad jeedintu inay dhici doonto maalinta Khamiista, oo taariihduna ay ku beegan tahay 16-ka bishan.