Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo la magacaabay

0
292

Khamiis, April, 04, 2019 (RBB News) – Dowladda Soomaaliya ayaa Guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii ay dhamaatay mudadii xil heynta aheyd Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.

C/raxmaan Maxamed C/llaahi ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe, kaasoo magacaabidiisa ku yimid guddi loo xil saaray xulidiisa oo ka tirsan Golaha Wasiirada.
Waxaa uu leeyahay Guddoomiyaha cusub khibrad dhinaca maamulka Dhaqaalaha iyo Bankiyada.

Waxaaa uu labadii sano ee la soo dhaafay ahaa La Taliye Sare oo dhinaca dhaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa uu ka soo jeedaa Gobolka Togdheer.

Waxaa ay magacaabistiisa meesha ka saareysaa hadal heyntii ku saabsaneyd in xilka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe loo magacaabayo nin Ajnabi ah, kaddib markii Baarlamaanka ay horaantii sanadkan wax ka bedel ku sameeyeen wax ka bedelka Xeerka Baniga Dhexe.