Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyaha ciidamada Booliiska oo la hadlay dibadbaxayaal careysan

0
499

Sabti, April, 13, 2019 (RBB News) – Iyadoo uu sii xoogeynayo dibadbaxa ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa dadweynaha isku soo baxay la hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow iyo taliyaha ciidamada Booliiska Jen Bashiir Cabdi Maxamed.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dibadbaxayaasha in ay is dajiyaan, isaga oo u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeni doono Askarigii toogashada ku dilay labada oo shacabka ah.
“Nidaamka ilaaliya, si nabad ah shucuurtiina ku muujiya, dalka idinka ayaa leh, taayarada la gubayo hala joojiyo”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Waxaa uu uga tacsiyadeeyay wiilkii dhalinyarada ee dhintay, isagoo balan-qaaday in Maxkamad la soo taagi doono askarigii falkaas ka dambeeyay.

Waa markii labaad oo guddoomiyuhu uu hor tago sidan oo kale wadayaasha gaadiidka dadweynaha gaar ahaan Mooto Bajaajka oo dilal joogta ah ay kula kacaan askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa dhagax kala hortagay guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga ee maamulka gobolka Banaadir sida ay goobjoogayaal u sheegeen HOL.

Wali xaaladu waa mid cakiran magaalada -na waxaa ka jara jawareer dhinaca isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ah.