Guddoomiye Cabdi Xaashi oo faah faahiyay kulan Jabuuti ku dhexmaray isaga,guddoomiye Mursal iyo Madaxda Jabuuti

0
271

Talaado, RBB News – Guddoomiyaha golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada muqdisho waxaa ku soo Dhoweeyay xubno ka tirsan golaha Aqalka sare iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa ugu Horayn ka tacsiyeeyay geeridii marxuun Maxamed Amiin Sheekh Cilmi Xoghayihii hore gobolka Banaadir oo ku dhintay qarax argigixisada ay la beegsadeen,Wuxuuna uga tacsiyeeyay Xaaskiisa Senator Sam-sam Daahir Maxamuud iyo Eheladii uu ka geeriyooday

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha golaha Aqalka sare BFS ayaa sheegay in Guddoomiyaha golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay kulan ku yeesheen Dalka jabuuti,iyadoo ka wada hadlay howlaha horyaala baarlamaanka iyo sidii loo Dardar gelin lahaa shaqooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa ka warbixiyay Kulan ay la qaateen guddoomiyaha baarlamaanka jabuuti,waxayna isla meel Dhigeen kordhinta xiriirka ka dhexeeya labada baarlamaan Soomaaliya iyo Jabuuti,isagoo intaa ku daray in labada dhinac ay soo magacaabayaan min 6 Xubnood oo ka wada shaqeeya xiriirkasi iyo sidii loo xoojin lahaa.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa ugu dambayn sheegay in kulankii ay la Qaateen madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ay uga Mahadceliyeen garab istaagga iyo taageerada Soomaaliya ay u hayaan.

Guddoomiyaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu booqasho rasmi ah ku Joogay dalka jabuuti isagoo madaxda dalkaasi kulamo gaar gaar ah la qaatay.