Guddoomiye Yariisow oo Qoys dan yar ah u soo dhiciyay Hantidoodii Maguurtada Aheed Guri

15
9582

AUGUST 18, 2018 (RBB) “Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku qaabilay xafiiskiisa qoys danyar ah oo gurigooda si xoog ah loo damcay in looga saaro.

Qoyskan ayaa ka cabanayey takrifal ay u geysteen shakhsiyaad doonaya in ay si sharci darro ah ula wareegaan guriga qoyskan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhageystay cabashada qoyskan ayaa u xaqiijiyey in gurigooda aan cidna xoog uga saari karin, una ballanqaaday in loo dayactirayo gurigooda oo uu maamulka Gobolka Banaadir amnigooda sugayo.

Waxaa uu Xeer Ilaalinta Qaranka u gudbiyey shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay jir-dil u geysteen qoyska iyo hanjabaad, si loo hor geeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, sharcigana lala tiigsado shaqsiyaadka la soo eedeeyey.

Guddoomiye Yarisow ayaa Laanta Danbi Baarista Booliska Soomaaliyeed (C.I.D) ku wargeliyey in ay baaritaan ku sameeyaan waxyeellada nafeed iyo hantiyeed ee loo geystay qoyskan, sharcigana la hor keeno dhammaan ciddii ku lug yeelata tabashooyinka ay sheeganayaan qoyska.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa faray Maamulka degmada Xamar Weyne in ay sugaan amniga qoyskan, muddada uu baaritaanku socdo, maadama ay soo gudbiyeen jirdil iyo handadaad horey loogu geystay.

Ugu dambeyn Guddoomiye Yariisow ayaa xaqiijiyey in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo caddaladda bulshada, lagana hortagayo cid walba oo doonaysa in ay ku xad-gudubto hantida muwaadiniinta.

This slideshow requires JavaScript.

 

15 COMMENTS

  1. We’ve only been using RLZ for 2 weeks, and I love it!!!!!!!! I have seen a visible change in my husbands size after just 2 weeks!!!! He didn’t believe that it was possible!!! VIAGRA CIALIS SEX

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here