Gudiga Farsamada Galmudug Oo Aqbalay Xildhibaanadii Ugu Horeyay.

0
182

Jimco, RBB News:- Guddiga Farsamada ee Dhismaha Galmudug ayaa waxay maanta soo bandhigeen liiska Xildhibaanadii ugu horeeyay, ee ay diiwaan-geliyeen.

Guddiga Farsamada ayaa soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin magacyada labaatan xubnood, kuwaa oo ah kuwii ay soo gudbisay Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, lagana siiyay Baarlamaanka cusub.

Guddiga Farsamada ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in xubnaha ay soo gudbisay Ahlu Sunna u aqoonsadeen inay yihiin Xildhibaanadii ugu horeeyay ee ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug.