Gudiga Farsamada Galmudug Oo Shaciyay Halka ay Wax Umarayaan.

0
280

Talaado, RBB News:- Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug Ka Socanayo Qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu xareynayo Odayaasha dhaqanka ee soo xuli lahaa Xildhibaannada Cusub Ee Baralmaanka Maamulkaasi.

Gudiga Maamul Usameynta Galmudug Ayaa sheegay in meel Gabogabo ah ay marayso Soo Xulusta Xildhibaanda Cusub Ee Galmudug islamarkaana howl adag ay kawadaan Magaalada Dhuusomareb.

Waxaa dib udhac kuyimid waqtigii loo qabtay in lagu soo xulo Xildhibaanada Maamulkaasi iyo Waqtigii ay dhaci lahayd Doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi Ayadoo Maanta ay kubeegantahay Waqtigii ay Gudiga u asteeyeen In ay Dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi.

Odayaasha qeybta ka ah soo xulista Xildhibaanada Ayaa lagu wargaliyay in si deg deg ay uxaroodaan ayadoona Guddiga farsamada maamul u sameynta Galmudug Uu Sheegay in muddo saddex cisho ah ay u qabteen xalinta Waxii cabasho ah oo laxiriiro Soo xulista Xildhibaanada Iyo Odayaasha Matalaya Qabaa ilada Daga deeganada maamulkaasi oo I nta badan isku fahi weysan Odaygii umatali lahaa Sooxulista Xildhibaanada.

Wufuud Heer caalami ah ayaa wali kusii Qulqulaya Magaalada Dhuusamreeb Ee Xarunta Galmudug waxaa Shalay Wafdi ka kala socdo Xildhibaanada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliya ay Gaareen Magaalada Dhuusomareeb.