Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo kulamo la qaatay Waxgaradka Muqdisho

0
636

Axad, RBB News – Guddoomiyaha magacabaan ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa shalay ilaa iyo xalay kulamo kala duwan la qaadanayay qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed oo ugu tagay Hambalyo iyo bogaadin ku aadan xilka cusub ee loo magacaabay.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in waxgaradka la kulmay ay u soo jeediyeen dardaaran iyo duco,isagoona ka dalbaday iney la shaqeeyaan maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaanka u yahay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa balan qaaday inuu la imaan doono shaqo wanaag ku dhisan Waxqabad iyo horumarin Bulsho.

Ugu dambeyn, Duqa cusub ee Muqdisho ayaa guud ahaan Shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho ka dalbaday iney la shaqeeeyaan,wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu maamulkiisa ka shaqeyn doono sidii caasimadda Muqdisho ula tartami lahayn caasimadaha dhiggeeda ee caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 22-kii bishan guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay