Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la kulmay Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada

0
625

Sabti, RBB News – Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ee Khamiistii Madaxweyne Farmaajo uu magacaabay Cumar Maxamuud Filish, ayaa la kulmay Ku xigeenka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee dhanka Maamulka & Maaliyadda Ibraahin Mahad Alle.

Duqa cusub ee Muqdisho ayaanan wali tagin xafiiska, sidoo kalena wali uusan la wareegin xilka, maadaama Khamiistii un wareegto Madaxweyne lagu magacaabay.

Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda ahna Sii haya xilka Gudoomiyaha Ibraahin Mahad Alle, ayaa warbixin ka siiyay duqa Muqdisho, xaaladda shaqada & dadaalada horumarineed ee masuuliyiinta Gobolka ay wadaan tan iyo markii uu dhintay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada Gudoomiye Ku xigeenka dhanka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahin Mahad Alle, ayaa wuxuu ku faah faahiyay, waxyaabaha uu kala hadlay Duqa Muqdisho.

“Waxaa kulan soo dhawayn iyo hambalyeen ah iigu yimid oo an waqti wada qadanay Siihaayaha Xilka gudoomiyaha gobalka ahna Gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo Maalyadda Gobalka Banaadir Ibraahim Mahad alla (ibraahim dheere). Guddoomiye Ibraahim Dheere ayaa waxaan ka xog wareystay hawalaha shaqo ee muhiimka ah oo ay Gobolka kaqabteen tan iyo markii uu geeriyooday Gudoomiyihii Gobalka Eng Yariisow iyo sidii aan u dar-dar galin lahayn howlaha nahoryaala”ayu yiri Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya ayaa hoygiisa ku booqanaayay Cumar Filish, tan iyo markii xilka Gudoonka Sare ee Gobolka Banaadir loo dhiibay.