Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Oo Gaaray Burikiino Faaso

0
293

Axad, RBB News:- Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay waxa ay ka amba baxeen Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Gudoomiyaha ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Ouagadougou ee Xarunta Wadanka Burkina Faso, halkaasoo ay kaga qaybgeli doonaan shirka sanadlaha ee Baarlamaanada Wadamada (OIC & PUIC), oo berrito ka furmayo.

Shirkan oo sanadkiiba mar lagu qabto Magaalooyin Dalalka xubnaha ka ah ayaa waxaa sanadkii hore lagu qabtay Magaalada Dalka Morocco ugu weyn ee Casablanca, iyadoo sanadkana ay martigelinayso Ouagadougou.

Shirkan oo lagu gorfeeyo, laguna difaaco danaha Wadamada Dadyowgooda Muslimiinta u badan yihiin ayaa waxaa qayb ka ah dhammaan Wadamada Carbeed, qaar ka mid ah Wadamada Afrika, sidoo kale qaar ka mid ah Wadamada Latin America, Turkiga iyo Iran.