Gudoomiye Thabit Ab “” Waa maalin kale oo madow.

11
3477

Jimco, November, 09, 2018 (RBB NEWS) – Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa dhamaan intii qaraxii maanta waxyeeladu ka soo gaartay. Naxariistii janno Allaha ka waraabiyo intii ku dhimatay, dhaawacana Allaha shaafiyo.

Way xanuun badan tahay tacsiyadeyn joogta ah iyo in maalin walba qof nagu qaaliya bulshada ka baxo, guri aroortii farxad taalayna caawa tiraanyo ku hoyanaya. Caruur saacado ka hor aabe iyo hooyo lahaana ay agoon iyo rajo ilbiriqsi gudaheed ku noqdaan.

Waxaan dhibtan ina daashatay uga bixi karnaa in la is wada kaashado oo amniga Caasimaddu yeesho lahaanshiyo amni oo aan siyaasadeysneyn, kuna dhisan talada shacabka.

Inaa lilaahi wa’inaa ileyhi raajicuun.

11 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here