Gudoonka Golaha Shacabka oo shaaca ka qaaday xiliga uu furmi doono Kalfadhiga Golaha Shacabka

0
243

Sabti RBB News:-qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu shaaciyay waqtiga uu furmi doona Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka, sida ku cad warqada Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota kuna Taariikheysan 09ka October 2019.

Qoraalkan oo uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiisay Warbaahinta Qaranka ayaa lagu faray xildhibaannada in ay si deg deg ah dalka ugu soo laabtaan.