Halkee Ayuu Ku Danbeyn Doonaa wada Hadallada Somaliya Iyo Somaliland?

0
426

Sabti RBB News:- Golaha wakiillada Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyey booqashada uu madaxweyne Biixi uu ku tagay dalka Guinea, wuxuuna goluhu shaki ka muujiyey inuu sii socon karo wadahadalladi Somalia iyo Somaliland u dhaxeeyey.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa kulanka maanta golaha uu yeeshay uga warramay BBC-da, isaga oo si gaar ah shiishka u saaray hadalka ka soo yeedhay Dowladda Soomaaliya oo 24-kii saac ee u dambeeyey warbaahinta si weyn u dhex marayey.

Wuxuuna guddoomiya ku xigeenku sheegay “Jamhuuriyadda Somaliland haddii taariikh ahaan iyo waaqic ahaana loo eego cidina ma dafirsana iney ahayd qaran madaxbannaan oo 26-kii June madaxbannaanidiisa ka qaatay mustacmaraddii Ingiriiska.”

“Iyaga oo xor ah oo caqligooda qaba oo walaal jeceyl Soomaali jeceyl ooy ugu biireen ooy ula midoobeen israacii labada gobol wakhtigi la oran jiray.”

“Si taa la mid ah marki ay waayeen wixi ay ku riyoonayeen waayeen oo ay ku hungoobeen iyada oo dhibaatooyin iyo taariikh xoog leh oo badani ayaa dib loola soo noqday si madax bannaan, taa waa middi taariikhda, Somaliland waa xaqiiqa jirta oo dunida la macaamisha, oo dowladaha waaweyn oo caalamka la macaamilaan oo UN-ta la macaamisho.”

“Dowladda Somaliland waa dowlad Soomaaliyeed oo Soomaali u soo kordheysa madax bannaanideeda, jiritaankeeda, qaranimadeeda iyo dowladnimadeeda oo meel maraa waa qayb Soomaali ka mid ah oo meel martay, marka caqliga fayoow ee Soomaaliga muwaaddinka ah ma diidayo in qayb Soomaali ka mid ah ama Soomaali umad ay leedahay dowlad dhisatay hana qaad iyo horumar uma diidayo caqliga wanaagsan” ayuu yiri waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dowlada somaliya ayaa kol horay xariirka ujirtay Dalka G