Halkee ku dambeeyaa sharcigii kufsiga ee sannadkii hore la ansixiyey?

0
312

Isniin 4 Maarso 2019 (RBB News) – Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shirweyne ku saabsan arrimaha dumarka, kaasoo soconaya muddo seddex maalmood ah, waxaana isugu yimid ilaa 300 oo xubnood u badan haween ka kala socda gobollada dalka.

Muddadaas waxay ka hadli doonaan, sida ay sheegtay wasiirka arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadnaha ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Deeqa Yaasiin, sidii loo diyaarin lahaa “axdi-qarameed u gaar ah haweenka oo ku aaddan dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada, ayna u dhan yihiin haweenka Soomaaliyeed”.

Waxaa kale oo sida ay Deeqa Yaasiin u sheegtay BBC lagu gorfayn doonaa arrimaha la xiriira tacaddiyada xagga jinsiga ee ka dhanka ah dumarka. Laakinse arrinta is weydiinta mudan waxay tahay halkee ku dambeeyey sharci la ansixiyey muddo sannad ku dhawaad laga joogo, kaasoo ku saabsanaa ka hortagga kufsiga?

“Sharciga tacaddiyada jinsiga waxay xukuumadda mudane Xasan Cali Khayre si buuxda u ansixisay bishii May, 2018, waxaanan ka dib ku wareejinnay – sida uu sharcigu yahay – golaha shacbiga, waxaana loo baahan yahay inay sida ugu dhakhsiyaha badan u hor keenaan kalfadhiga baarlamaanka ee soo socda, si aan u helno sharci gacan adag ku qabta tacaddiyada foosha xun ee ku soo badanaya waddanka” ayey tiri Deeqa Yasiin.

Hadalkeeda ayaa ku soo beegmaya ayadoo todobaadkii hore magaalada gaalkacyo lagu kufsaday laguna dilay gabar 12 jir ah, arrintaas oo caro badan dhalisay.

Sidoo kale shirweynaha haweenka ayaa dhacaya xilli xaaladda amniga ay liidato, ayna adag tahay in la dhaqan galiyo sharciyada la ansixiyo.

“Waxaan doonaynaa in aan jeexno fikradaha lagu horumarinayo khariidadii iyo himilooyinkii aan ku gaari lahayn guulaha aan hiigsanayno, mas’uuliyaddana waxay saaran tahay ururrada bulshada rayidka, haweenka iyo qof kasta oo danaynaya in haweenkooda iyo walaalahood ay horumar gaaraan” ayey Deeqa Yaasiin u sheegtay BBC.

Shirweynahan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah waxaa si rasmi ah u furtay marwada 1aad ee Soomaaliya, Saynab Cabdi Macallin.