Haweeneey Laga Helay Bastoolad Lagu Dilay Askari Katirsan Dowlada Oo Laxiray.

0
460

Talaado RBB News:- Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa isgoyska Sanco Dhanka Degmada Kaaraan waxa ay ku dileen Askari katirsanaa Ciidamada Taraafikada

Xilliga Ladilayay Askariga waxa uu kujiray howl maalmeedkiisa waxaan uu aqoonsi weysiinayay gawaarida halkaa marayay.

Ragga weeraray Askariga ayaa ka toogtay qeybta sare ee jirka isla durbadiiba ayuuna goobta ku dhintay Askarigii katirsanaa Ciidamda Taraafikada.

Ragga Dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday waxana ay bastooladii ay waxa ku dileen laga helay haweeneey Ganacsi ku laheed agagaarka isgoyska Sanc Ee Muqdisho.

Ciidamo Katirsan Dowlada ayaa goobta soo gaaray waxa ayna sameeyeen howlgal ay kusoo qabteen dad goobta dilku uu ka dhacay ganacsiyo kulahaa oo ay kujirto haweeneyda laga helay bastoolada.

Haweeneyda ayaa ku andacooday in Bastoolada ay kusoo tuureen Raggii dilka geystay dabadeedna ay ka carareen sidaasna ay usuuro gashay in bastooladii ay qarsato.

Ciidamda amaanka ayaa ugu dambeyn goobteeda ganacsiga kasoo saaray Bastoolada ayagoo xiray Haweeneydii iyo labo nin oo kale.