Haweeneey Xaamilo Ah Oo lagu dilay Muqdisho.

0
278

Khamiis, RBB News:- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay lagu dilay haweeney ka mid ahayd dadka deegaanka.

Haweeneydan ayaa u geeriyootay rasaas uu furay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, xilli uu jiray buuq ka dhashay laba qoys oo deris ahaa oo gacan ka hadal uu dhex maray.

Wararka ayaa sheegaya in askariga uu u muuqday mid doonayay inuu rasaasta ku kala kaxeeyo labadaasi qoys, balse rasaasta oo uu hoos u riday ay galaafatay nolosha gabadhaan oo lagu magacaabi jiray Hani Ismaaciil Yuubane.

Askariga ayaa falkaasi ka dib ka baxsaday goobtaasi, oo daqiiqado ka dib ay gaareen Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Degmada Dayniile. Askarigan ayaa ka tirsanaa Ilaalada Xarunta Degmada Dayniile.

.