Hay’adaha ka howlgalo Baydhabo oo amar la dul dhigay

0
103

Isniin, RBB News – Waxaa Maanta Magaalada Beydhabo Ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Kulan Kuyeeshay Xubno kasocday Hay’addo Madaxbanaan Iyo Gudoomiyaha Magaalada Beydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole.

kulanka waxaa ku sugnaa Xogeyaha Dowladaha hoose, Guddoomiye Ku Xigeenka Maaliyada, iyo Qaar kamid ah Shaqaalaha Dowlada hoose ee Magaalada Baydhabo Ayadoo kulankaasi looga hadlay sidii ay wada-shaqyen buuxda ay u yeelan lahaayeen Hay’adaha ka Shaqeeya Gudaha Magaalada Baydhabo iyo Maamulka Dowladda Hoose ee Magaaladaasi.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaaladda Xasan Macalin Axmed Biikole ayaa Madaxda Hay’adaha Dowliga Ah Iyo Kuwa aan Dowliga ahayn kala hadley in ay la shaqeeyaan Maamulka
Gudoomiyaha Ayaa Dhamaan Hay’adahaasi ku Amrey in ay iska soo diiwan geliyaan Xafiiska Maamulka degmada si loo ogaado tirada Hay’adaha iyo NGO yada ka howlgala Gudaha Magaalada Isagoona Sidoo kale uu ugu baaqay in ay Shaqaaleysiiyaan Dhalinyarada Magaalada Baydhabo iyo tuulooyinka hoostaga si wax loogu qabto Bulshada Magaalada.

Maamulka Degmada Baydhabo Ayaa Ugu Dambeyn umahadceliyay Mas’uuliyiintii Kasocday Hay’adahaasi waxa uuna ku booriyay in sii wadaan Howlaha ay Uahayan Bulshada Reer Koonfur Galbeed