Hindiya, Jarmalka iyo Iran oo kiisas cusub oo Carona laga soo sheegayo

0
872
Iranian couple wearing protective masks to prevent contracting a coronavirus walk at Grand Bazaar in Tehran, Iran February 20, 2020. WANA (West Asia News Agency)/Nazanin Tabatabaee via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. - RC2D4F91Q0H7

Talaado, RBB News – Dalalka Hindiya, Jarmalka iyo Iran ayaa laga soo sheegayaa kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah.

In kabadan 90,000 oo kiis ayaa la xaqiijiyey guud ahaan caalamka, sida ay sheegtay WHO.

Dalka Mareykanka waxaa lagu waramayaa in lix qof u dhiteen caabuqan, iyadoo dalka cudurkan ka bilowdey ee Shiinaha iyo dalalka kale WHO ugu baaqday in ay qaadaan tillaabooyin xakameyn kara cudurka Coranavirus.

Shiinaha, caabuqa carona ee dalkaas ka dilaacay wuxuu uu muuqdaa inuu gaabis yahay. Waxana lasoo warinayaa 125 kiis oo cusub maanta Talaado ah, waana kuwii ugu hooseeyay tan iyo bishii Janaayo.

Tirada dhimashada Xanuunkan ayaa gaartey dunida oo dhan 3,110, sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay sameysay World Health Organization ( WHO ).