Hishiiska Ahlusunah Iyo Xukuumada Oo Fashil Ku Dhaw Iyo Ciidamo Lagu Arkayo Dhuusa-mareeb.

0
324

Sabti RRB News:- Waxaa saakay dhaq dhaqaaqyo Ciidan Laga dareemayaa Magaalada Dhuusa mareeb Ee xarunta Maamulka Galmudug

Magaalada dhuusa mareeb waxaa Howlgal kawada Ciidamadda ahlu sunna kuwaas oo kamadax Banaan Ciidmaddii isku dhafka ahaa Ee loogu Talagalay in ay sugaan Amaanka Doorashooyinka lagu wado in Ay kadhacaan magaaladaas .

Dad kusugan Dhuusa mareeb ayaa inoo Xaqiiqjiyay in in saakay Ciidamo Katirsan ahlu sunna islamarkaana Kamadax Banaan ciidamadii isku dhafka ahaa ay howlgalo lagu sugayo Amaanka kawadaan Qeybaha kala duwan Ee degmadda.

Heshiiskii ay wadaga galeen madaxa Xukuumadda Galmudug sheekh shaakir Cali xassan iyo Raiisul wasaaraha xukuumadda Fadaraalka soomaaliya Mudane Xassan Cali Qeyre ayaa waxa uu Qarka Usaaranyahay in uu Burburo madaama Kadib markii Raiisul wasaare kheyre uu kasoo Ambaxay Deegaanadda Galmudug oo kusugnaa Muddo Kabadan 30cisho ay isi soo tarayeen Tabashooyin ay Qabaan Alhu sunna wal Jamaaca iyadoo laisku Afgaran la yahay Hanankii loo sugi lahaa amaaka Doorashooyin Lafilayo in ay Galmudug kaqabsoomaan .