hogaaminta Isbaheysiga Mucaaradka Hindiya Oo Iscasilay.

0
343

Arbaco RBB News:- Hogaamiyaha isbaheysiga mucaaradka Hindiya ee loo yaqaan Indian National Congress party Mr Rahul Gandhi ayaa iska casilay xilka kadib guul daradii labaad ee ka soo gaartay doorashadii guud ee ka dhacday Hindiya.

Xisbiga bidix-da ee Bharatiya Janata Party (BJP) oo uu hogaamiyo Ra’isul wasaare Narendra Modi, ayaa ku guuleystay doorashada kadib markii uu helay 302 kursi oo ka mid ah 543 kursi ee Baarlamaanka bishii May.

La xisaabtanka waa furaha kaliya ee hormarka mustaqbal taasi waa sababta aan iskaga casilay xilka ayuu yiri Gandhi oo war saxaafadeed ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Mr Gandi oo nuqulkiisa uu ka koobnaa afar bog ayaa sheegay in ay waajib tahay in isbadal lagu sameeyo hogaanka isbaheysiga mucaaradka Hindiya