Hogaanka Koonfur Galbeed iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay mashaariic laga fulinayo Deegaanada Maamulkaasi.

0
323

Axad RBB News:- Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur  Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Shalay Xafiiskiisa Baydhabo ku qaabbilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya u jooga Dowladda Qatar, Xasan Binu Xamza.

Wafdiga ka socday Qatar waxay booqasho ku mareen goobo badan oo ka mid ah Magaalada Baydhabo iyo xarumo kale oo ay ka fulinayaan dhowaan mashaariic kala duwan, waxaana kamid ah Iskuul, Gegida Diyaaradaha ee Shaati-gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed.

Dowladda aynu Walaalaha nahay ee Qatar iyo hay’adaheeda samafalka ayaa Gacan ballaaran ka geysatay dib usoo kabashada Soomaaliya , iyagoo sidoo kale door wanaagsan ka qaatay Qalabeynta Ciidamada kala duwan ee Dalka.