Hogaanka Xukuumada Lubnaan Oo Lagu Dhawaaqay

0
451

Arbaco, RBB News:- Madaxtooyada magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan ayaa looga dhawaaqay xukuumad cusub kadib markii is afgarad uu dhaxmaray ururka Xisbullaah iyo garabyada kale ee Siyaasada.

Dowlada Cusub ayaa laga doonayaa in ay la timaado isbadal buuxa xilli dalkan carbeed uu wajahayo dhaqaale burbur ka dhashay musuq maasuq lagu eedeeyay xukuumadii Hore.

Ra’isul wasaare Sacad Xariiri ayaa sanadkii hore lagu qasbay in uu xilka ka dago kadib markii cadaadis xoogan uu kala kulmay shacabka Lubnaan.

Professor xasan dayib oo ah 60 jir wax ka dhiga jaamacad ku taal Mareykanka ayaa hogaamin doona xukuumada cusub oo ka kooban 20 wasiir waxaana uu balan qaaday in lubnaan uu ka samatabixin doono dhibaatada Dhaqaale.

Sacad Xariira ayaa muwaadiniinta dalkan carbeed ku dhaliileen in uu sabab u yahay maamul xumida iyo musuq maasuqa ka jira xarumaha dowlada intii uu talada Hayay.