Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka digay Muddo kororsi xilliga doorashooyinka

0
296

Khamiis, 2 May 2019 (RBB News) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay in Muddo kororsi ay sameeyaan Madaxda sare ee dalka , islamarkaana doorashooyinka loo baahan yahay in ay ku dhacaan Waqtigii loogu tala galay.

Qoraal dheer uu Arintaasi kaga hadlay ayaa siddaan u qornaa:

“Qodobka 56aad ee sharciga doorashooyinka ee la sheegay in maanta Xukuumadu ansixiyey wuxuu ka hadlayaa Dib-u dhaca doorashooyinka, wuxuuna sheegayaa in Madaxweynaha iyo Baarlamaanka muddada loo kordhiyo, haddii ay doorashadu qabsoomi waydo. Wuxuu dhigayaa

“Haddii ay suurtagali weydo doorashooyinka guud ee xubnaha baarlamaanka dalku in ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, xubnaha Baarlamaanka xilka haya ayaa sii haynaya xilka Sharci-dajinta inta duruufahaas adag laga gudbaayo doorashaduna ka qabsoomayso, duruufaha adagna waxaa ka mid noqon kara in aanay doorashadu farsamo ahaan qabsoomi karin.”

“Sidaa awgeed marka duruufaha adag dhacaan, Guddiga Doorashooyinku waxaa ay la tashanayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah oo uu ugu horeeyo Madaxweynuhu waxaayna Baarlamaanka u gudbinayaan qoraal xambaarsan duruufaha adag iyo asbaabta kelliftay in doorashooyinka dib loo dhigo.”

Waa sii wadeenoo waxay dhaheen

“Intaas ka dib, Guddiga Doorashooyinku waxaa uu ku dhawaaqayaa in ay doorashadii dib u dhacday, Muddada cusub ee doorashooyinka baaqday ku dhici karaan, waxaa cayimaya Guddiga kadib marka uu qiimayn ku sameeyo xaaladda iyo muddada duruuftaas lagaga bixi karo”

Waxaaba ka sii daran Madaxweynihiina in loo kodhiyey muddadii oo wuxuu qodobku leeyahay

“Haddaba, Muddada xil-haynta ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku waxa ay la kordhaysaa muddada cusub ee Goleyaasha Sharci-dejinta maaddaama ay doorashadu xilligeedii ku qabsoomi wayday.”

Oo sharcigii doorashooyinka oo intaa oo muddo ah loo fadhiyey ma in muddo kordhin (extension) loo sameeyo Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ayuu ku soo dhamaaday.

Oo waxaas oo dhib ah iyadoon la marin “War ha na loo kordhiyo maa iska tiraahdaan”