Horjeege muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

0
187

Isniin, RBB News:- Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Bakool ayaa waxay Magaalada Xudur ku soo bandhigeen Sarkaal muddo kow iyo toban sano ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Colaad Cabdiraxmaan Maxamed (Xerow) ayaa waxa uu isu soo dhiibay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Bakool, ka dib markii uu ka tanaasulay fekerka khalafsan ee Shabaabnimada.

Xerow ayaa sheegay inuu u adkeysan kari waayay falalka guracan, ee ay gaysanayan maleeshiyada Al Shabaab, taasina ay ka dambeysay inuu fekerkooda ka tanaasulo.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga ee Magaalada Xudur, Ibraahim Isaaq Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in ninkani uu xiriir la soo sameeyay ciidamada, ka dibna uu isu soo dhiibay.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa Saraakiisha iyo maleeshiyada kale ee Al Shabaab ugu baaqay inay ku daydaan ninkaasi, ayna isu soo dhiibaan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo ballanqaaday in la soo dhawayn doono.