Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda

0
687

Axad July, 04, 2019 (RBB NEWS) – Labo Horjoogayaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ayaa lagu soo bandhigay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, kaddib markii ay ay ka soo goosteen Al shabaab iskuna soo dhiibeen ciidamada dowlada.

Guddoomiyaha degmada Diinsor ee gobolka baay Ibrahim Maxamed Nuur  (Shig Shigow) ayaa sheegay in labadan dagaalyahan oo wata hubkooda ay  ka soo goosteen Al-shabaab iskuna soo dhiibeen ciidamada Xoogga dalka ee  jooga Diinsoor.

Labadan dagaalyahan ee kasoo goostay Al-shabaab ayaa lagu  magacaabaa  Maxamed Xasan Cusmaan oo 25- sano jir ah oo mudo hal sano ah  katirsanaa Al-shabaab iyo Xussen Marshaale Maxamed oo 19 sano jir ah oo  isna Al-shabaab labo sano ka tirsanaa.

Labada horjooge ayaa waxaa degmada ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada xoogga ayaa soo  dhaweeyay labadan dagaalyahan ee kasoo baxay Al Shabaab iskuna soo  dhiibay dhankooda, waxa ayna ugu baaqeen dagaalyahanada kale in ay cafis  ka faa’iideestaan kana soo tagaan Al-shabaab.