Hormuud Telecom Foundation oo maanta deeq gaarsiisay Maxaabiista Xabsiga dhexe iyo Ciidanka Naafada Xooga Dalka.

0
340

Khamiis, May, 09, 2019 (RBB NEWS) – Iyadoo ka fal celineysa Baahiyaha ka jira Xabsiga dhexe ayey Hormuud Telecom foundation maanta waxay deeq kala duwan gaar siisay Maxaabiista ku xeran Xabsiga dhexe Ee muqdisho Maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan Ee Ramadaan naguna soo wajahan tahay Munaasabadda Farxadda badan Ee Ciidda.

Deeqda ayaa iskugu jirtay Raashin, dhar iyo xoolo nool.

Cabdullahi Nur Cismaan oo ah Madaxa Hormuud Tel Foundation ayaa kawar bixiyay Cadadka deeqda ay gaarsiiyeen Maxaabiista xabsiga dhexe waxa uuna sheegay in tani ay qeyb ka tahay Garab is taaga dadka caawinaadda u baahan waxa una tilmaamay in aysan ka daali doonin oo ay sii wadi doonaan Taakuleynta Dadka gargaarka u baahan.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cadikariin Cali afrax oo ka gudoomay Deeqda Mu’sasada Hormuud Tel ayaa uga mahad celiyay Garab is taaga had iyo jeer ay ku dhiiradaan, dhowr jeer ayuu sheegay in sidan oo kale gargaar ay soo gaarsiiyeen Xabsiga dhexe Ee muqdisho Waxuuna Shirkadda Hormuud ku qeexay mid ka tilmaamay shirkadaha kale ee ku yaala kana howlgala Dalka.

Dhan kale Hormuud Tel Foundation waxay sidoo kale deeq maanta gaarsiiyeen Ciidanka Naafadda Xooga Dalka Ee ku jira Isbitaalka Martiini, deeqdaas oo ahayd lacag kaash ah Iyadoo labo maalin gudahood la soo gaarsiin doono Deeq kale Sida uu sheegay Cabdulaahi Nur Cismaan oo ah Madaxa Hormuud Tel Foundation.

Gudoomiyaha Ciidanka Naafadda Xooga Dalka Ee ku jira Isbitaalka Martiini ayaa ugu mahad celiyay Hormuud Tel Fou Deeqda ay soo gaarsiiyeen Waxa uuna carabka ku adkeeyay in Hormuud Tel mar waliba Gargaar ay la garab taagnayd Ciidanka Naafadda Xooga Dalka Ee lixaadkooda ku waayay Difaacidda Dalka.

Dhiira galinta iyo Taakuleynta Dadka tabaaleysan oo ay sameyso Hormuud Tel ayaa ah Ficillo joogta ah iyagoo masuuliyiinta Shirkaddu balan qaadeen in ay sii wadi doonaan Ficillada togan ee Dadka lagu caawiyo.