Howlgal Lagu Dilay 30 Dagaalame Oo Shabaab Ah Oo Laga Sameeyay Sh/Hoose.

0
230

Jimco, RBB News:- Guutada 16aad ee kumaandooska Soomaaliya ayaa hawgal ballaaran oo ay kasameeyeen deegaanka Baloow Eylo ee gobalka Shabeellada Hoose waxa ay ku dileen in ka badan ku dhawaad Shabaab ah oo qaraxyo ku diyaarinayay gaadiid ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,sida Wakaaladda SONNA ay ka soo xigatay taliska ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha guudata 16aad, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in sidoo kale duqeyn lagu gubay gaadiidkii Shabaabku ay doonayeen inay ku halaagaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalkaan uu qeyb ka yahay howl-gallo ay ciidanka kumaandoostu ku baacsanayeen haraadiga Alshabaab, waxaana uu intaa ku daray in sii laba jibaari doonaan Howlgaladaasi.

Maalma ka hor ayaa guudata 16aad waxa ay Dagaaliyahaanad Alshabaab ay kala wareegeen todoba tuulo oo ka tirsan Shabeellada Hoose, iyada oo Taliye Ismaaciil uu ballan qaaday inay sii wadayaan howl-gallada inta laga soo afjarayo jiritaanka Shabaab waa sida uu hadalka udhigay Taliyaha.