Howlgallo Kadhan Ah Alshabaab Oo Kabilawday Gobolka Jubadda Hoose.

0
346

Talaado, RBB News:- Ciidamada Xoogga dalka qeybta 43aad ee deegaanada Jubaland ayaa labaddii maalmood ee la soo dhaafay howl galo qorsheysan ka waday deegaanada u dhexeeya Degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolka J/hoose.

Howlkaan oo saameeyay deegaanada, Muuse Xaaji, Araare iyo Kaban a ayaa yimid ka dib markii ciidamadu shacabka ka heleen, qorshe kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku jabiyaan Kar karada webiga Jubba si uu ugu fataho shacabka, isla markaana ay weeraro dhuumaaleysi ah ugu qaadaan deegaanada xorta ah.

Howl galkaan intii uu socday ayaa ciidaamada waxaa u suurta galay in ay soo saaraan, tiro miinooyin ah oo ay hareeraha wadooyinka ku aaseen Al-shabaab.

Korneyl Maxamed Badal Xasan oo ka mida saraakiisha howlgalkaan hoggaamineysa ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay, in howlgalku sii socondoono in deegaanada Jubooyinka laga xoreynayo, Xagjiriinta Al-shabaab.