Howlgallo Lagu Dilay Horjoogayaal Katirsan Sbabaab Oo Lafuliyay

0
185

Axad, RBB News:- Howlgalo ay iska kaashadeen Ciidamada Xoogga dalka iyo Howlgalka Ciidanka Mareekanka ee Afrika ayaa lagu dilay horjoogayaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgaladaan oo laba qeybood ahaa kan koowaad waxa shalay oo sabti aheyd laga fuliyay deegaanka Cali Barroow waxaana lagu dilay laba horjooge oo ka tirsan kooxda AlShabaab.

Howlgalka xigay oo ay ciidanku galabta ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barroow waxaa lagu dilay Horjooge kale oo wadarta horjoogayaasha kooxda ee la dilay shalay ilaa maanta ka dhigaysa 3 horjooge.

Ma jirin wax qasaara ah oo shacabka ka soo gaaray intii lagu jiray howlagadaasi lagu dilay horjoogayaasha kooxda AlShabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamka waxa ay u taagan tahay difaaca shacabka iyo soo celinta cadaaladda halka AlShabaab ay marwalba qorsheeyaan beegsiga dadka rayidka.

Howlgaladaan lagu dilay horjoogayaashani waxa lagu fuliyay qorshe wadajir waxaana  ay sii xoojinayaan dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab iyo gaarida in Soomaaliya ay hesho nabad waarta