Howlgallo Dad Lagu Soo qabqabtay oo Laga Sameeyay Boosaaso.

0
278

Jimco RBB News:- Ciidamada Amaanka Maamulka Puntiland Ayaa saakay wado Howlgalo Ay kuxaqiijinayaa Amaanka Magaalada Boosaaso Ee Xrunta Gobolka Bari.

Howlgalka Waxa uu yimid Kadib Markii Xaafad ka tirsan Magaalada Boosaaso lagu weeraray Sarkaal ka tirsan qeybta Cansuuraha Gobolka Bari Waxaana is risaaseen ay dhaxmartay ilaaladii Sarkaalka iyo Kooxdii hubeysneyd,

xilliga Weerarku uu dhacayay ayuu sarkaalku ka adeeganayey Suuqa magaalada Boosaaso ee gobolka waxaana ilaaladiisa ay fureen rasaas xoogan

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in is risaaseenta uu ku dhintay Hal ruux oo kusugnaa Magaalada Gudaheeda

Howlgalada waxa lagu soo qabtay dhalinyaro kala duwan kuwaasi oo kusugnaa gurayhooda halka qaarkoodna ay marayeen wadooyinka Magaalada.

Waxaa hakat galay isu socodka iyo ganacsiga Suuqa Magaalada Boosaaso xilliga weerarka kadib inkastoo daqiiqado kadib uu sidiisii kusoo noqday Suuqa

Xaalada Magaalada oosaaso ayaa maalmihii dambe waxa ay noqotay mid halis ah waxaana ka dhacay weraro kala duwan waxana uu weerarkan kusoo aadayaa kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku Fureen Gaari ay wateen laba kamid ah Ciidamada Puntland,xilli ay ku sugnaayeen Isgoyska Netka ee Magalada Boosaaso,waxaana saraakiisha Booliska ay sheegeen inay xaqiijin doonaan Amniga Magaalada.