Hub iyo waxyaabaha Maanka dooriya oo Muqdisho lagu qabtay

0
275

Axad, 28 April 2019 (RBB News) – Ciidama amaanka dowladda soomaaliya ayaa xalay degmada Kaaraan ku qabtay waxyaabaha maanka dooriya sida qamriga xashiishka iyo sidoo kale hub.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sakiyo Xuseen ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay 8 ruux oo qof dumar ah ay ka mid tahay iyo Qori AK 47, kuwaasoo gacanta kula jiray Waxyaabaha Maanka dooriya.

Taliye ku xigeenka ayaaa ugu baaqday kooxaha maandooriyaha isticmaala inay ka waantoobaan falalkaan foosha xun.

Kooxda gacanta lagu dhigay ayay sheegtay in sharciga la marsiin doono, islamarkaana dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono.

Maalmihii u danbeeyay ayaa guud ahaan dalka waxaa ku soo batay maandooriyaha kuwaasoo ganacsi loo keeno halka kuwa kalena lagu sameeyo dalka, ayna soo bateen Soomaalida isticmaasha.