Iiraan oo soo bandhigtay gantaal cusub oo ridda dheer.

49
8607

Axad 02 Feebarayo 2019(RBB News) – Warbaahinta dowladda dalka Iiraan ayaa shaacisay iney Tehran ay xuska sanad guurada kacaanka dalkaasi oo sabtida la qabtay ay ku soo bandhigtay gantaal casri ah oo ay riddadiisu gareyso 1,300 kilo mitir (800 oo mile).

Kacaanka Islaamiga ee dalka Iiraan oo dhacay 1979-kii wuxuu jirsaday 40 sano.

Tehran ayaa waxay sheegtay iney sii ballaadhisay barnaamijyada ay ku sameeysaneyso hubka iyo gantaallada riddada dheer iyada oo jawaab uga dhigeyso cadadiska ay Mareykanka iyo Waddamada reer galbeedka dalkaasi ku hayaan.

Sabtidi shalay ahayd Taliyaha sare ee ciddamada kacaanka Iiraan ayaa shaaca ka qaaday iney Iiraan ay ku qasbanaatay iney sii ballaadhiso islamarkaana xaddigii looga tala galay ay dhaafiso sameysashada gantaallada riddada dheer ayna ku kalliftay cadaadiska waddamada reer galbeedka uga imanaya ayna sii wadeyso ilaa miiska wada hadalka loo soo noqdo.

Gantaalkan riddada dheer waxaa lagu magacaabay Hoveizeh

Wasiirka gaashaandhigga Iiraan Amir Hatami oo ka hadlay munaasabadda gantaalka lagu soo bandhigay ayaa wuxuu sheegay “Gantaalka la soo bandhigay inuu awood u leeyahay isaga oo bad sare ku soconaya uu muddo gaaban ku gaari karo halka lala beegsado”.

Iiraan: Waxaan bilaawnay sameysashada diyaaradaha dagaalka

Iiraan oo tijaabisay gantaal cusub

“Gantalkan lagu magacaabo Hoveizeh wuxuu ka mid yahay bahda gantaallada Soumar oo ay Iiraan sameysay sanadkii 2015-ka” ayuu yiri Hatami.

Wasiirka Gashaandhigga Iiraan oo iclaamiyey Gantaalka cusub ee Hoveizeh

Khubarada reer galbeedkana waxay sheegeen iney Iiraan ay buunbuunineyso awoodda gantaalkan cusub ee ay sameeysatay balse uu ka duwaneen gantaalladi riddada dheeraa oo ay horay u sameysatay.

Taliyaha sare ee ciidamada Kacaanka Iiraan qaybta hawad sare Amirali Hajizadeh ayaa wuxuu sheegay “Iiraan oo horay ugu guuleystay iney sameeyso matoorka diyaaradaha dagaalka ee gantaallada riddada dheer xambaara ayaa waxay haddana ku guuleysatay ayuu yiri gantaallada riddada dheer oo uu ka mid ah gantaalkan maanta la soo bandhigay ee Hoveizeh.”

Muuqaal laga duubay gantaalka oo tijaaba lagu sameeynayo ayey wasaaradda ku sheegtay masaafa dhan 1,200 oo kiilo miitir oo gantaalakn lagu tijaabiyey in lagu guuleystay.

Tani iyo marki ay Iiraan heshiiska Niyuukilarka ay 2015-kii la gashay waddamada ugu quwadda weyn dunida waxay Iiraan sii wadday ballaadhinta Barnaamijkeeda gantaallada iyada oo aan dhag jalaq u siinin digniinta uga Imaneysa Mareykanka iyo Xulafadiisa.

Tijaabada gantaalkan riddada dheer ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli uu Mareykanka uu Tehran uga digay iney gantaal dambe tijaabinin ayna ku xad gudbin heshiisyada caalamiga ah.

Gantaalka Khoramshahr ayaa lagu soo bandhigay dhoolatus milateri oo la qabtay Jimcihii

Hase ahaatee, Iiraan ayaa sheegtay tijaabada gantaallada ee ay sameeyneyso inaysan ahayn mid ku xad gudbayo heshiisya caalamiga ah balse uu la mid yahay hanashada hubka Niyuukilarka ee ay waddama badanba haystaan.

Malaga yaaba inay Iiraan guul ka gaarto doorashada Ciraaq

Israa’iil oo duqeysay saldhig ay leedahay Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo gabi ahaanba ka baxay heshiiskii Niyuukilarka ee Iiraan lala galay wuxuu Iiraan markale uu ku soo rogay cunaqabateyno isaga oo u sababeeynayo iney Iiraan dib u billaawday barnaamij ay hubka Niyuukilarka ku sameeysaneyso.

Dalka Iiraan oo in k abadan 20 sano cunaqabateyn iyo cadaadis caalami ahna uu saaran yahay lagana mamnuucay iney wax hub ah dibadda ka soo gashato waxay sii ballaadhisay barnaamijyadeeda ay ku sameeysaneyso gantaallada riddada dheer.

 

49 COMMENTS

  1. weblink I want to start to put all my photos up on my camera, and start a blog or something. Where is a good place to do this like a website or something, do i have to copyright them thanks :).

  2. kleidung scotch soda

    tavoli legno esterno giardino crossover per woofer zeppe tommy hilfiger outlet atemschutzmaske schleifen kleid gr 58 accessori per fon tipi di altoparlanti faretti da incasso diametro 60 lampadari esterni dispositivo vivavoce bluetooth per auto lidl ad…

  3. This very blog is really interesting and besides diverting. I have chosen a lot of interesting stuff out of it. I ad love to visit it again and again. Thanks a bunch!

  4. Legendary Best Viagra Pack in different forms of release – tablets, softgel capsules, dispersible tablets and all of them in one package. VIAGRA best sex Don’t waste your time on making decisions get them all and save money. It’s a bargain offer to buy it in one pack. Viagra Pack * 30 includes Generic Viagra (sildenafil) 100mg * 10 Viagra Super Active (sildenafil) 100mg * 10 Viagra Professional (sildenafil) 100mg * 10 Viagra Pack * 60 includes Generic Viagra (sildenafil) 100mg * 20 Viagra Super Active (sildenafil) 100mg * 20 Viagra Professional (sildenafil) 100mg * 20 Viagra Pack * 90 includes Generic Viagra (sildenafil) 100mg * 30 Viagra Super Active (sildenafil) 100mg * 30 Viagra Professional (sildenafil) 100mg * 30 Viagra for Best SEX Cheap Viagra Best sell secure viagra Hi. thank you for sending the cialis I have received the ten pills you you sent and have tried them. They seem too work very well so if you would still like to send the balance of the order in cialis I would appreciate it. And thank you once again for all your help. It would be nice if there were more companys with customer support team as helpful as yours. Thanks again

  5. hello there and thanks in your information – I have certainly picked up something new from proper here. I did however expertise several technical points the usage of this site, as I experienced to reload the web site lots of times prior to I may get it to load properly. I had been wondering in case your hosting is OK? Not that I am complaining, however sluggish loading circumstances occasions will sometimes impact your placement in google and can injury your high quality score if advertising and ***********|advertising|advertising|advertising and *********** with Adwords. Anyway I’m adding this RSS to my email and could look out for much more of your respective exciting content. Make sure you update this again very soon..

  6. Hi there just wanted to give you a quick heads up. The words in your article seem to be running off the screen in Safari. I’m not sure if this is a format issue or something to do with internet browser compatibility but I figured I’d post to let you know. The design look great though! Hope you get the problem solved soon. Kudos

  7. Nice read, I just passed this onto a colleague who was doing some research on that. And he just bought me lunch since I found it for him smile Therefore let me rephrase that: Thanks for lunch! “To be 70 years young is sometimes far more cheerful and hopeful than to be 40 years old.” by Oliver Wendell Holmes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here