Ilaalada Mas’uliyiin Katirsan Dowlada Oo Loo diiday in ay Galaan Villa Somalia.

0
215

Isniin, RBB News:- Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa wuxuu dhaliilay Ciidamada Dowladda Somaliya, ee ku sugan kontoroolada ku yaala wadooyinka ku teedsan Aqalka Madaxtooyada Somaliya ee (Villa Somalia).

Ciidamadan ayaa waxaa la faray inaanay Villa Somalia u soo fasixi karin Masuuliyiinta Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida qaarkood, illaa ay ka reebaan ilaalada la socota, ciidamada ayaana amarkaasi fuliyay.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa wuxuu ciidamadan ku eedeeyay inay si khalafsan ula dhaqmayaan Masuuliyiinta Hay’adaha Dowladda ka tirsan, isla-markaana ay si gaar ah u wajahayaan masuuliyiinta ay ilaaladoodu wadato dareyska Ciidamada Booliska.

“Ciidamadu si aan asluubeysnayn ayay ula dhaqmayaan Masuuliyiinta Dowladda, waxaana la yaab leh In Ciidamada Booliska dareyskooda ciddii wadata aysanba carriga ka soo ag-dhawaan karin.” Ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Mudanaha Golaha Shacabka ka tirsan ayaa yiri “Hay’adaha Dowladda ee agagaarka Madaxtooyada ku yaala waxba kalama socdaan amarkaas soo boodada ah, mana jirto cid fasiraad ka bixisay waxa loola jeedo, marka laga reebo in askarta qaarkood ay ka xun tahay waxa ay samaynayaan oo ku dhahayaan kor ayay arrintu ka socotaa.”

Xildhibaan Fiqi ayaa wuxuu sheegay inaanay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku shaqayn karin xaaladan soo korortay, xilli ay ilaaladooda u badan yihiin askar ka tirsan kuwa Booliska.

“Hay’adda Golaha Shacabku kuma sii shaqayn karto xaaladdu, hadda sida ay tahay, haddii deg deg wax looga bedelin. Suurtagalna ma ahan Madaxweynaha In ay isaga qaldanto Masuuliyiintii Hay’adaha Dowladda iyo kooxda Al Shabaab, mana ahan Madaxweynuhu inuu ka naf jecleysto umadda inteeda, asagoo Madaxtooyada dhexdeeda loogu keenayo cabashada umadda iyo tan Masuuliyiinta Dowladda.” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Fiqi ayaa wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhaliilay mudada uu xukunka hayo in la kala xiray isu socodkii Magaalada Muqdisho.

“Madaxweyne Farmaajo saddexdii sano ee uu talada dalka hayey waxa la kala xiray isku socodkii Magaalada Muqdisho, sanadkii u dambeeyeyna waxaa bilowday kala xirista isu socodka Hay’adihii Dowladda.” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook