In ka badan 10 qof ayaa Dhintay Kadib Daadad culus oo Kudhuftay Iiraan.

0
134

Isniin, RBB News:- Roobab mahiigaan ah ayaa daadad ku keenay dhowr gobol oo Iiraan ah, gaar ahaan qaybo ka mid ah koonfurta dalka, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 11 qof halka laba kalena la la’yahay.

Afhayeenka howlaha gurmadka ee Iran Mojtaba Khaledi ayaa Maanta sheegay in dad kor u dhaafaya 17 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen daadadka ka dhacay gobolada Hormozgan, Bushehr, Fars, Sistan iyo Baluchestan, Qom, Gilan, South Khorasan, Mazandaran, Semnan iyo Kerman.

Daadadku waxay kale oo khasaare hantiyeed u geysteen magaalooyin badan oo miyi iyo magaalooyin ah waxayna xireen wadooyin badan.

Hay’adda Bisha Cas ee Iiraan (IRCS), shaqaalaha gurmadka degdega ah iyo hay’ado kale ayaa loo direy aagagga ay daadadku ku dhufteen waxayna wadaan hawlo gurmad iyo samafal.

Roobab mahiigaan ah ayaa ku qasbay mas’uuliyiinta magaalooyin dhowr ah inay ku dhawaaqaan xaalad degdeg ah oo ay amraan in dadka laga daadgureeyo aagagga ay deggan yihiin. Saadaasha hawada ayaa ka digtay roobab badan maalmaha soo socda.

Bishii Janaayo, roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa xiray jidadka, burburiyey guryo waxaana ku barakacay boqolaal dad ah oo ku nool gobollada Kerman, Sistan iyo Baluchestan iyo sidoo kale Hormozgan.

PRESS TV