Inter Milan oo si cad isaga diiday in ay u dhaqaaqi doonto saxiixa Luka Modric suuqa furmi doono bisha January

12
10163

(Inter Milan) 11 Okt 2018.(RBB SPORT) –  Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Inter Milan Piero Ausilio ayaa wuxuu xaqiijiyay inay adag tahay in Nerazzurri ay xiligan lasoo saxiixan karto khadka dhexe Real Madrid Luka Modric suuqa furmi doono bisha January.

Piero Ausilio ayaa u sheegay shabakada “Sky Sport” ee dalka Talyaaniga in kooxda Inter Milan ay suuragal noqon karin ina ay waqti ku lumiso saxiixa Luka Modric.

“Ma dooneyno inaan waqtiga ku lu mino raacdada Luka Modric, si aan wada hadalo ula furano kooxda Real Madrid suuqa furmi doono bisha Janauray ee soo aadan”.

Dhinaca kale Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Inter Milan Piero Ausilio ayaa sheegay inay wadaan qorsho ay heshiis cusub kaga saxiixanayaa xidiga kale ee reer Croatia Marcelo Brozovic, laakiin wuxuu iska diiday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo.

Inter Milan ayaa ku guuleysatay inay sameyso saxiixyada ciyaaryahano dhowr ah intii lagu jiray suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, waxaana ka mid ah Radja Nainggolan iyo laacibka reer Croatia  ee Vrsaljko, xili si xoogan lala xiriiriyay inta lagu jiray suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay saxiixa Modric.

12 COMMENTS

  1. Howdy! This post could not be written much better! Looking through this article reminds me of my previous roommate! He always kept talking about this. I am going to send this article to him. Pretty sure he will have a good read. Many thanks for sharing!

  2. Leading Online Pharmacy – Contact us at +1 (917) 259-3352 for unbelievable rates, discount and offers on any medicine. Get it delivered free of cost at your door steps, call us today. Phone : +1 (917) 259-3352

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here