Isgaarsiinta Mandhera Oo Wali Hawada kamaqan.

0
386

Arbaco, RBB News:- Wararka aan ka helayno magaalada Mandheera ee xuduudda la leh Soomaaliya ayaa sheegaya in tan iyo saqdii dhexe ee xalay uu hawada ka maqan yahay adeegga shirkadda Safaricom ee ugu weyn isgaarsiinta Kenya.

Lama ogga sababta ka dambeysa arinkaasi, shirkaduna weli kama aysan hadlin.

Weriye ku sugan magaalada oo ay BBC-da la hadashay ayaa sheegaya inay jiraan warar sheegaya in weli qeybo kamid ah magaalada ay ku sugan yihiin askar ka tirsan ciidamada Jubbaland ee dhawaan laga saaray fariisinkii ay ku lahaayeen xuduudka.

Weriyaha ayaa intaa ku daray in weli ay xiran yihiin iskuullada, shacabkuna aysan ku laaban xaafadaha uu saameeyay dagaalkii Isniinta dhacay.

Waxaa xusid musan in anteenada Safaricom ee Mandheere ay hawada ka maqneyd intii uu socday dagaalkii Isniinta.

Weli lama ogga halka ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta Jubbaland ee horkacayay ciidamada ku sugnaa xuduuda, kuwaas oo ay kamid yihiin madaxweyne ku-xigeen Maxamuud Sayid iyo wasiirka amniga Cabdirashiid Janan.