Itoobiya Oo Ka Hadashay Xaalada Somaliya iyo Somaliand.

0
339

Axad, RBB News:- Wasaarada Arimaha Dibada Dalka Itoobiya ayaa soo saartay Warbixin ay kaga Hadleyso Xaalada guud ee Geeska Aftica.

Barta Facrbooka Wasaarada Ayaa lagu daabacay Warbixin looga hadlayay xaalada Dalalka guud ee geeska Aftica

Qeyb kamid ah Warbixinta ayaa lagu soo hadal qaaday xaalada Somaliya iyo Somaliland.

Dowlada Itoobiya ayaa Sigooni ah waxa ay kaga hadleen raalli gelintii dhawaan Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo uu Somaliland ka siiyay duqeyntii Gobolada Waqooyi ay ka geysatay Dowladii Kacaanka ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid u badnaa taasi oo sababtay in Gobolada waqooyi ay sigooji ah isku taagaan.

“ Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi waxa uu si qurxan usoo dhaweeyay raalli gelinta dadwaynaha ee uu Madaxweyne Farmaajo ka muujiyay xasuuqii Dowladii kacaanka, Madaxweyne Biixi ayaa ku ammaanay tallaabadaas mid gaar ah oo taariikhi ah” Ayay daabacday

Hadal heyn badan ahaa ka dhashay Ku dhawaaqista go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee 13-kii Febraayo todobaadkii tagay uu kushergay Raali galintii Gobollada Waqooyi.

Kulankii ugu horeeyay oo taariikhi ah waxa ayay Toddobaadkii la soo dhaafay labada Madaxweyne ay kuyeesheen gudaha Dalka Itoobiya waxa uuna ahaa mid Albaabada u xirnaa.

Madaxweynaha Maamulka somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Kahadlay raali galinta Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu kutilmaamay talaabo wanaagsan.

Madaxweyne Biixi ayaa xaqiijiyay in kulankaasi uu kadambeeyay Ra isul wasaaraha Itoobiya kadib markii Uu ugu yeeray in uu tago magaalada Adis Abapa ee caasimada Dalkasi halkaasi uu kasocanayay shir madaxeedka Midowga Africa sidaasna loola kulan siiyay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C.
/llahi Farmaajo Oo kaqeyn galayay kulankaasi.