Itoobiya Oo Sheegtay in ay Fashilisay Weeraro Alshabaab Ay Damacsanaayeen.

0
256

Talaado, RBB News:- Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaanada Barlamaanka Dowlada Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in ay fashiliyeen Weeraro ay damacsanaayeen Dagaaliyahaano Katirsan Shabaab in ay ka geystaan gudaha Dalka Itoobiya.

“Al Shabaab waxa ay dooneysay in Weeraro la mid ah kuwa Kenya ay ka fuliso Dalkeena, balse nasiib wanaag, waxaa arrintaasi diiday oo ka hortagay Ciidamada Ammaanka” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha oo arrimaha la weydiiyay ay isugu jireen Siyaasadda, ammaanka, iyo doorashooyinka sanadkaan ayaa tusaale usoo qaatay arrimaha Argagaxisada gaar ahaan Dagaalada Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in diyaar garow xooggan ay galeen sidoo kalana howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay suurtagalisay in laga hortago Weeraradaasi.

“Al-shabaab ayaa magac ahaan la sheegay mooyee waxaa jira xoogag badan oo Al-shabaab ka baxsan oo aan aaminsanahay inay doonayaan wiiqidda amniga Itoobiya,” ayuu hadalka ku daray Abiy.

Itoobiya waxaa hadda kusoo wajahan doorashooyin sanadkaan 2020, iyada oo Dowladda ay la tacaaleyso wax ka qabashada ammaanka tan iyo markii uu isbadalka ka dhacay dalkaasi