Jadwalka Doorashada Garabka Madaxweyne Xaaf Oo Lashaaciyay.

0
219

Isniin, RBB News:- Wararka ka imaanayo magaalada gaalkacayo ee xarunta gobalka mudug ayaa kusoowaramayo in magaalada ay kasocoto qaban qaabada doorashada maamulkaasi
Wararka ayaa waxa ay intaasi kudarayaan in Gudigii Doorashada ee uu magacaabay madaxweenaha waqtigiisu uu idlaaday ee galmudug Mudane axmed ducaale geele xaaf ee ay soo saareen jadwalka Doorashooyinka Hogaanka Cusub ee galmudug
War qoraal ah oo ay soo saareen gudigan ayaa lagu bayaaniyay in doorashada gudoonka baarlamanka ay dhicidoonto 25bishan janawary 2020

Sidoo kale Guddiga Doorashada ee uu Magacaabay Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Galmudug la qaban doono 1-da Bisha labaad ee 2020-ka.

Sikastaba hanoqotee jadwqlkaan ay ay soosaareen hudiga doorashooyinka galmudug garabka gaalkacayo ayaa waxa uu muujinayaa diyaargarowga ay ugu jiraan is doorasho kaqabsoomto gaalkacyo ayadoo dhinaca kale magaalada dhuusamareeb ay kajirto Howlihii ugu dan beeyay ee doorashooyinka galmudug in kastoo ay jiraan tabashooyin kasooyeerayo beelaha qaar ee deegaanada galmudug taasi oo laxiriirto qaabka gudiga doorashooyinka garabka dhuusa mareeb ay wax uwadaan ayagoona ku eedeenayo in shqsiyaad gaar ah ay gudigu ladoonayaan hogaanka galmudug

Xaalada doorashada ee galmudug ayaa umuuqato mid aan salfadhido leheen ayadoo dadka taxliiliyo siyaasada galmudug ay sheegayaan in hadii xaaladu sidaan kusii socto la arki doono galmudug oo madaxweene yaal yeelato midba uu magalo kataliyo.