Jubbaland Oo Amartay In Lasoo Rido Diyaaradii Amar La’an Soo Gasha Hawadeeda.

0
499

Talaado RBB News:- Ciidamada Jubbaland ayaa heegankii ugu sareeyey la galiyey maanta kadib markii shalay uu dhacay isku da’y ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo u adeegaya Dowlada Federaalka ay isku dayeen iney soo galaan Kismaayo.

Ciidamada cirka ee Kenya ayaa si xad dhaaf ah u ilaalinaya Jubbaland laga bilaabo Xalay, waxayna amar ku heystaan iney dhulka soo dhigaan cidii sharci daro kusoo gasha Hawada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Xalay wuxuu la kulmayay Saraakiisha Amisom ee Kismaayo ku sugan wuxuuna ka dalbaday Sharaxaad deg deg ah oo ku saabsan isku daygii ay Ciidamada Itoobiya isku dayeen iney sharci daro kusoo galaa Jubbaland.

Dhinaca kale wuxuu Axmed Madoobe Amar ku baxshey in Cidii isku deyda inay sharci daro kusoo galaan Jubbaland waajbaadkooda la Mariyo, wuxuuna Ciidamada Jubbaland ku yiri “ Habeyn iyo maalin indhahiina iyo dhagihiinu ha furnaandaan”.

Shalay ayaa Diyaarad sida Ciidan Itoobiyaan ah waxay isku dayday iney kasoo degto Kismaayo, laakiin markii laga warhelay ayaa lagu amray inay ka baxdo hawada Jubbaland.