Jubbaland Oo U Hanjabtay C,rashiid Xidig iyo C.naasir Seeraar.

0
171

Khamiis, RBB News:- Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay fashiliyeen isku day ay Dowladda Federaalku ku khal khal gelinayso nabadgelyada magaalada Kismaayo.

Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay dhabarka ka jebiyeen qorshe ay Dowladda Federaalku ugu talo gashay in ay ku bur-buriso nabadgelyada magaalada Kismaayo, iyada oo adeegsanaysa kooxo malayshiyaad ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in mudo lix bilood ah ay dowladda federaalka soomaaliya ugu dulqadanayeen qala qalaasaha ay kawada deegaanada jubbaland balse xiligan wixii ka danbeeya ay dili doonaan ruuxi ka hor yimaada jiritaanka jubbland digninona u jeediyay garabka mucaaradka ee diidan weli doorashadii axmed madoobe

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili xiisad xoogan oo u dhaxeysa ciidamada jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka soomaaliya ay ka taagan tahay gobolka gedo iyo deegaano kale oo hoostaga jubbland.