Kaxda Oo lagu Qabtay Burcad Dhac Geystay

0
213

Arbaco, RBB News:- Kooxdaan  burcadda  ah  oo  shan   maalmood  ka  hor  dhac   ka  gaystay   garaash ku   yaalla    degmada  waabari  oo in muddo  ah  ay ku daba jireen hay’adaha   amaanka    ee Dawladda  ayaa  lagu  Guulaysatay in  gacanta  lagu soo  dhigo   gaariga    la  dhacay  iyo mid ka mid ah kooxaha  burcadda    ah  ku  waas   oo dhibaato ku hayay     shacabka   magaalada   Muqdisho  ka dib hawlgal   laga sameeyay   degmada kaxda   ee Gobolka Banaadir .

Guddoomiyaha  degmada Kaxda   Maxamed Yuusuf Maxamed oo la hadlay radio muqdisho   ayaa   faahfaahin ka bixiyay   hawlgalka  ay   ku soo qabteen   baabuurka  iyo  darawalkii   waday,  isagoo  sheegay   in  ninka la qabtay uu ka mid ahaa  shabakad  burcad ah  oo dhac ugaysan jiray  shacabka  ayna   ku  wareejiyeen laamaha amaanka  si  baaritaano  loogu  sameeyo  . 

Maamulka   degmada  Kaxda  ee Gobolka banaadir   ayaa mudooyinkaanba waday  hawlgalo lagu xaqiijinayo amaanka  degmadaasi