Kenya oo Kuhanjabtay in Shaqo Joojin ay Kusameyn Doonaan Saraakiil kacabsada Dagaalada Alshabaab.

0
216

Talaado, RBB News:- Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Kenya Dr. Fred Matiang’i ayaa ku dhawaaqay in gudoomiye waaxeedyada wasaarada amniga ay qaadan doonaan mas,uuliyada hadii aysan wax ka qaban weerarada Al-Shabaab.

Cheifafka deegaanka waxaa laga doonayaa in ay farta ku wargaliyaan ciidanka amniga xubnaha ka tirsan kooxaha argagixisada ee ku sugan agagaarkooda ayuu yiri Dr Mataingi.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay kadib kulan ka dhacay maanta magaalada Garissa oo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan gudoomiye waaxeedyada wasaarada Amniga Kenya u matala gobolka waqooyi Bari.

Wasiirka Amniga Kenya ayaa intaa ku daray in ganacsiga sharci darrada ee Kenya ka soo gala dhanka Soomaaliya uu caqabad ku yahay Amniga, isaga oo balan qaaday in sare loo qaadi doono shaqsiyaadka ku lugta leh Falalkaan.

Kulanka looga arinsanayay amaanka ee maanta ka dhacay Garissa ayaa imaanaya xilli Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gudaha Kenya.