Kenya oo sheegtay in ay dishay dagaalyahano katirsan Alshabaab

0
244

Talaado, RBB News – War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Kayunga ay ku dileen xubno katirsan Xarakada Alshabaab.

Taliska Ciidamada Booliska Kenya waxay warkooda ku sheegeen in ay ku dileen howlgalkaasi Saddex Dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, is risaaseyn muddo kooban socotay ayaa la sheegay in ay dhex martay ciidamada kenya iyo dagaalyahnadii katirsanaa Xarakada Alshabaab.

Taliska Booliska kenya waxay sheegeen in dhankooda laba askari dhawaacyo ay soo gaareen, miinada nooca wadada hareerteeda lagu aaso ayey talisku sheegeen in Alshabaab ku aasayeen halkaasi si ay u waxyeeleeyaan Ciidamada kenya ee ku halkaasi ku sugnaa.

Dadka deegaanka kayunga ayey ku eedeeyeen in ay gacan siiyeen Alshabaab laakiin waxay ku goodiyeen in ay baacsan doonaan dagaalyahanada Alshabaab ee halkaasi ka geysta weerarada joogtada ah.

Si kastaba ha ahaatee, ciidmada Dalka Kenya ayaa dhowr jeer dhibanayaal u noqday weerarada Ka yimaada dhanka Alshabaab iyadoo weerarkii ugu qasaaraha badnaa ee soo gaaray ciidamada Kenya uu ahaa Weerarkii Xarakada Alshabaab ku qaadeen saldhig ciidamada kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel-cadde Ee Gobolka Gedo.