Arbaco RBB News:- Taliyaha ciidanka booliska Kenya Hilary Mutyambai ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Garissa halkaasi oo kulamo uu kala yeeshay saraakiisha Booliska.

Mr Mutyambai oo shir Jaraa.id u qabtay bahda warbaahinta ayaa waxuu sheegay in uu soo maray ismaamulada Mandera iyo wajer si uu ugu kuurgalo xaalada amni iyo howlaha ay laamaha booliska ay hayaan gobolka soomaalida degto ee waqooyi Bari.

Wuxuu sheegay in heegan la galiyay booliska ayna ka shaqeyn doonaan sugida amniga deegaanada ku teesdan xadka Kenya gaar ahaan ismaamulka Garissa.

Si kastaba booqashadaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo todobaadkii hore uu taliyaha sheegay in ay ka hortagi doonaan isku day kasta oo ururka Al-Shabaab ku soo weerari karaan deegaanada ku dhow xadka dalka uu la wadaago Soomaaliya.