Kenya Oo soo bandhigtay 3 Kamid Ah Alshabaab.

0
292

Arbaco, RBB News:- Booliska Kenya ayaa soo bandhigay sadex la tuhme oo ka tirsan kooxaha Argagixisada kuwaasi oo falal amni daro ka geysta inta u dhaxeysa Mombasa iyo Nairobi.

Booliska Kenya ayaa magacyada shaqsiyaadkan ku sheegay Carafaat Kyalo Masai, Juma Waziri iyo Saalim Maxamed Axmed.

Shacabka Kenya ayaa loogu baaqay in Booliska ay soo wacaan lambarada kala ah  999, 911, 112 ama wargaliyaan saldhigyada ciidanka amniga hadii ay arkaan sadaxdan Xubnood.

Afhayeenka booliska Charles Owino ayaa sheegay in raggaan ay ku biireen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Laba ka mid ah la tuhmayaasha la baadi goobayo ayaa ka baxsaday gacanta booliska kadib howlgal ka dhacay xaafada Ng’ombeni ee ismaamulka Kwale bishii Maarso ee sanadkii hore.