Kenya Oo War kasoo Saartay Weerarkii Xalay.

0
237

Isniin, RBB News:- Dagaaliyahaano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar xoogan ku qaaday Waaxda Kamuthe oo ka tirsan degmada Fafi oo qiyaastii 45 kiilo mitir u jirta magaalada Garissa.

Weerarkan oo dhacay xalay saq dhexe ayaa waxaa ku dhintay sadax macalin oo aan u dhalan waqooyi Bari.

Kooxda weerarkan ka danbeysay ayaa dhanka kale gubay taawarka shirkada Safaricom iyo saldhigga ciidanka booliska Kamuthe.

Dowlada Kenya oo dhankeeda ka hadashay Weerarkan ayaa xaqiijisay in sadax macalin oo aan u dhalan gobolka waqooyi Bari xalay lagu dilay weerar Dagaaliyahaano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen waaxda Kamuthe oo ka tirsan degmada Fafi ee ismaamulka Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Isku duwaha booliska ee gobolka waqooyi Bari Paul Soi oo lahadalay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in macalimiintan lagu qaarijiyay weerar dhacay abaara 2:30 Daqiiqo oo xalay ahayd.

Mr Soi ayaa intaa raaciyay in ay wadaan baaritaanka qaabka uu weerarkan u dhacay maadaama deegaanka la weeraray uusan u dhoweyn xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Dhanka kale weerarkan ayaa cabsi ku abuuray dadka deegaanka waxaana hada maqan adeegii Isgaarsiinta kadib markii dagaalamayaasha ay burburiyeen taawarka shirkada Safaricom.

Xildhibaanka degmada Fafi u matala aqalka Baarlamaanka Kenya mudane Cabdikariin Cosmaan Rati oo isna xaqiijiyay weerarkan ayaa Ciidamada Amaanka ugu baaqay in dabagal ay ku sameeyaan kooxihii ka Danbeeyay Weerarkan.

Weerarkan ayaa imaanaya todobaad uun kadib markii Afar arday oo soomaali ah lagu dilay weerar ka dhacay iskuulka hoose ee Sareedo oo ku yaal degmada Dadab ee isla Waqooyi Bari Kenya.