Khilaafka Ahlusunah Iyo Xukuumada Oo Xal Loo Layahay.

0
399

Talaado RBB News:- Xalay ilaa shalay waxaa Magaalada Dhuusa mareeb kasocanayay Shir ay kaqeyb galeen odayaal io waxgarad kasoo jeeda deegaanada maamulka Galmudug waxaana shirkaasi lagu doonayay in lagu xaliyo Khilaafka soo kala dhax galay Madaxda Ahlusunah iyo Xukuumada.

Sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin ayaa kaqeyb galay kulankan waxaa xooga lagu saaray sidii loo xalin lahaa khilaafka udhaxeeya Ahlusuna Iyo Dowlada.

Qaar kamid xubnihii kaqeyb galay kulankaasi ayaa Idaacada Banaadir Usheegay in kulamadii xalay dhacay inta badan la isku afgartay,hayeeshee Maalinta berito ah kulamo kale ay ka dhici doonaan Magalada Dhuusamareeb.

Waxaa la filayaa in dhawaan Magaalada Dhuusamareeb in uu ka furmo Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Galmudug oo dhowr jeer oo hore dib udhac kuyimid waxaana qaban qaabadiisa ay ka socotaa Magaalda Dhuusamareeb Ee Xarunta Maamulka Galmudug.