Khubaro ka tirsan FBI-da Mareykanaka oo Addis Ababa soo gaadhay

567
16039

Koox khubara ah oo ka tirsan FBI-da Mareykanaka ayaa Addis Ababa soo gaadhay si ay Itoobiya uga caawiyaan baadhitaanka qaraxi mabka ee Addis Ababa ka dhacay ciddi ka dambeysay.Shacab maalaayiin lagu qayaaso oo Itoobiyaan ah ayaa fagaaraha weyn ee ku yaalla bartamaha magaalada Addis Ababa ka sameeyey isu soo bax ay ku taageerayaan ra’isalwasaare Dr Abiy Axmed isbeddellada muddada gaaban uu ka soo hoyey siyaasadda dalka.

Dadki isu soo baxaasi ka qayb galay ayaa lagu tuuray bam gacmeed ay ku dhinteen 2 qof dad ka badan 100 ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha booliska federalka Itoobiya General Zeynu Jamaal ayaa wuxuu sheegay dadka weerarkaasi bamka ka dambeeyey baadhitaanno lagu ogaanayo iney si adag u socdaan dalkana ay soo gaadheen khubaro ka soocoto laanta dambi baadhista booliska mareykanka FBI ayna gudagaleen baaritaannadooda.

Dalka gudahiisana waxaa laga dhisay guddi dabagalo dhibaatooyinka ka dhashay qaraxaasi iyo howlaha baaritaanka oo qayba kala duwan ka kooban.

“baadhitaannada oo billow ah haddana waxay marayaan meel aad u wanaagsan” ayuu yiri.

Howsha baaritaanka si loo sii dardargeliyana boolis ka socda waddama kale in howlaha baariyaannadana laga qayb geliyo waa la qorsheynayaa.

Wakhti xaadirkan Booliska FBI oo rabitaankooda ku yimid waxay billaabeen iney kooxda baaritaanka wadday ay ku biiraan oo ay kaalintooda ka qaataan.

Ilaa iyo haddana waxaa gacanta lagu dhigay ayuu yiri dad ka badan 28 qof oo looga shakiyey iney ku lug leeyihiin qaraxa ka dhacay magaalada Addis Ababa.

567 COMMENTS

  1. Do you mind if I quote a few of your posts as
    long as I provide credit and sources back to
    your blog? My blog site is in the very same area of interest as yours and my users
    would truly benefit from some of the information you provide
    here. Please let me know if this okay with you. Thank you!

  2. I just like the helpful information you provide for your articles.
    I’ll bookmark your blog and check once more right here regularly.
    I’m somewhat sure I’ll learn plenty of new stuff proper right here!
    Good luck for the following!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here